Uncategorized

Dowlada Uganda oo canshuureysa dadka isticmaala baraha bulshada

Muqdisho-KNN-Dowlada Uganda ayaa qorsheyneysa inay canshuur maalinle ah ku soo rogto dadka isticmaala baraha bulshada marka la gaaro bisha July ee soo socota, si sare loogu qaado dakhliga, sida uu sheegay Wasiirka Dhaqaalaha dalkaasi Matia Kasaija oo warbaahinta la hadlay.

Mid ka mid ah dadka u dooda xuquuqda aadanaha oo lagu magacaabo Rosebell Kagumire ayaa dhaliilay talaabadaan wuxuuna yiri: “Waxay qayb ka tahay iskudayada ballaaran ee lagu wiiqayo xorriyatul-qowlka oo ay qaadeyso dowlada.”

Horraantii bishan, madaxweyne Yoweri Museveni oo xukunka hayay in ka badan 30 sano ayaa warqad uu u diray wasiirka dhaqaalaha ee dalkaasi Kasaija iyo saraakiil kale u sheegay in dadka xanta u isticmaala baraha bulshada ay tahay in canshuur lagu soo rogo.

“Kuma soo rogayo canshuur dadka u isticmaala baraha bulshada sababo waxbarasho, baaritaan ama tixraac … kuwaasi bilaash bey sii ahaanayaan,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Dadka isticmaala WhatsApp, Facebook iyo Twitter ayay canshuurtani saameyn doontaa, waxaana dadka ku nool dalkaasi hadda ay bilaabeyn muran xoogan oo arintaan ku aadan.