Uncategorized

Dowlada Yugaandha”Ciidamadeenu kama sii mid ahaan karaan howlgalka AMISOM ee Soomaalia”

Muqdisho-KNN-Taliyaha ciidamada Uganda Gen David Muhoozi ayaa sheegay in ciidamada ka jooga Soomaaliya ay xilligaan ku adag tahay inay la dagaalamaan Xarakadda Al-Shabab sababo uu ku sheegay hoos u dhac ku yimid sahayda ay ciidamo helaan.

Taliyaha oo la hadlay wargayska Daily Monitor ee Uganda kasoo baxa ayaa sheegay in ciidamadooda Soomaaliya jooga ee qeybta ka ah hawlgalka midwga Africa ee AMISOM inuu haysto culaysyo badan oo ka hor istaagaya inay qaadaan weeraro ka dhan ah Al-Shabab sida uu yiri.

Taliye Muhoozi waxaa uu sheegay in hadda loo baahanyahay in la xoojiyo saldhigyaddu ay ciidamadu degenyihiin  oo uu sheegay in qaarkood xataa ay ku bur bureen weeraro Al-Shabab geysteen waxaana uu ku daray inay hadda ciidamadu qaadi karin wax duulaan ah oo ka dhan ah Al-Shabab.

Gen David Muhoozi taliyaha ciidamada Uganda waxaa uu waraysigiisa sidoo kale ku sheegay in culaysyada haysta ciidamada Soomaaliya ka jooga ay qeyb ka tahay in xataa hadda ay ku adag tahay inay difaacaan meelaha ay ka haystaan sabab uu ku sheegay sahayda oo yar oo keentay in ciidamo badan la geyn waayo meelaha qaar.

“Beesha caalamku waa ay aqoonsantahay dorka nabadaynta ee ay ciidamada AMISOM Soomaaliya ka geysteen sidaasoo ay tahay taageeradooda ma aha mid nagu filan” ayuu yiri taliyaha la waraystay Gen David Muhoozi

Inuu jiro farqi weyn oo u dhaxeeya sida ay doonayaan inay u shaqeeyaan tiradda ciidamada ay haystaan ayuu sheegay waxaana uu xusay inay u baahan yihiin ciidamo tiro badan oo suga amniga meelaha ay qabsadaan iyo kuwa illaaliya wadooyinka ay sahayda marsadaan ayuu sheegay.

Ciidamada ka socda ururka Midawga Africa ee Soomaaliya jooga oo dhawr dawladood ka yimid waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 22 kun oo askari waxaana ay gudaha dalka kula dagaalamaan Al-Shabab ayagoo ay la socdaan ciidamada xoogga Soomaaliya waxaana hawlgalkaan ku baxa dhaqaalo badan oo ay bixiyaan dawladaha Soomaaliya taageera.