Somali News

Dowladaha Hindiya iyo Pakistan oo eedo isu jeediyay.

Muqdisho-KNN-Hindiya iyo Pakistaan ayaa hadallo kulul isku dhaafaday shirka golaha guud ee QM ee ka socda New York kadib markii ay guul dareeysteen isku day dhif ahaa oo la doonayay in labada dal ay ku wada hadlaan New York.

Dowladda hindiya ayaa daaqadda ka tuurtay wadahadal uu soo bandhigay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Pakistaan Cimraan Khan, diidmadda hindiya ayaa timid kadib markii Weerar dhacay ay ku dhinteen Sadax askari oo hindiya u dhashay, sida ay ku dhawaaqday Wasiirka Arrimaha Dibadda Hindiya Sushma Swaraj.

Hindiya waxay ku eedeeysay oakistaan in ay taageerro siiyo koox ka dagaalanta gobolka Kashmiir.

Pakistanna waxay sheegtay in Hindiya ay diidantahay nabadda labada dal, wasiirka Arrimaha Dibada ee Pakistan Shah Maxamed Qureeysi ayaana sheegay in wali doonayaan in ay lakulmaan madaxda Hindiya.