Somali News

Dowladaha Jabuuti & Kenya oo balan qaad u sameeyay Dowladda Soomaaliya

Madaxweynayaasha dalalka Kenya iyo Jabuuti oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay munaasabadda Caleema Saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, taas oo ka dhacday xarunta teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo dib usoo doorashada iyo caleema-saarka madaxweynaha.

Isagoo sii hadlayay ayuu sheegay inuu kala shaqayn doono madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh hagaajinta xiriirka labada waddan, sida ganacsiga iyo kuwa kale.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay inuu la yimid kalgacal iyo walaaltinnimo.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda Jabuuti ay garab taagan tahay Soomaaliya, diyaarna ay u yihiin inay la shaqeeyaan.