Uncategorized

Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya oo heshiis ka gaaray xiisada Beladxaawo.

Mandheera-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Mandheera ayaa sheegaya in halkaas ay kulan ku yeesheen mas’uuliyiin ka socotay Dowlada Soomaaliya iyo Madaxda Dowlada Kenya u qaabilsan amniga.

Kulanka ayey labada dhinac kaga xaajoodeen arrinta ku saabsan darbiga ay Kenya ka dhisayso gudaha ciidda Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Beladxaawo, kaasoo todobaadyadii u dambeeyey sababtay ashtiko ay muujiyeen dadka deegaanka taas oo cirka isku shareertay.

Kulankaas ka dib ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay madaxa amniga ee gobolka waqooyi bari Kenya Maxamuud Saalax iyo guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Muxumad oo kulankaas labaduba ay ka ahaayeen garwadeenka.

Laba mas`uul  waxay  sheegeen in la joojiyey dhismihii darbiga muranka dhaliyey.

Waxay kaloo sheegeen in kulan kale ay isugu imaan doonaan si ay uga arrinsadaan talaabada xigta waxa laga yeeli doono iyo halka la marin doono darbiga.

Todobaadyadii u dambeeyey ayaa magaalada Beledxaawo waxaa ka socday banaanbaxyo lagu diiddan yahay derbiga ay Kenya dhisayso, kaasoo ay dadka deegaanku u arkaan in la dhex marinayo magaalada gudaheeda.