Muqdisho-KNN-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo ka hadashay Qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho waxa ayna cambaareyeen kooxda Al-shabaab oo sheegatay mas`uuliyada Qaraxii khasaaraha dhaliyay ee shalay ka dhacay Muqdisho.
Qaraxaas oo Wasaarada amniga xukumada Soomaaliya ay sheegtay in loo adeegsaday MOOTO BAJAAJ isla markaana aysan aheen Gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo markii hore laamaha amniga Dowlada ay sheegeen in Qaraxaasi loo adeegsaday.
Qaraxaas ayaa waxaa ku geeriyooday ku dhawaad 20 ruux oo rayid u badan sidoo kalana waxa uu dhaawac uu ka soo gaaray tirto intaas ka badan.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa waaxaa tacsi loogu diray dhammaan ehelada dadkii ku Geeriyooday qaraxaasi, wuxuuna Sacuudigu sheegay inuu xoojinayo taageerada Dowladda Soomaaliya, gacana uu ka geysanayo dagaalka lagula jiro Dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dhinaca kale War saxaafadeed kale oo kasoo baxa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale cambaareysay kooxda Al-shabaab oo Qaraxaan Geysatay wuxuuna Dowlada Imaaraadka dadkii dhintay Alle uga baryay in uu Alle Unaxariisto waxaana dhankale caafimaad deg deg ah u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay Qaraxii shalay.
Dowlada Imaaraadka ayaa sheegtay in weerarada kooxda Al-shabaab ay fulinayaan ay muujinayaan naceeb ay u qabaan Shacabka Soomaaliyeed isla markaana waxay Dowladaha Caalamka ka dalbadeen in la kordhiyo Gacansiinta Dowlada Soomaaliya si looga adkaado dagaalamayaasha Al-shabaab.