Somali News

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo heshiisyo wada saxiixday

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya,  Xamse Cabdi Barre ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, halkaasi oo ay kulamo miro dhal ah kula yeesheen Madaxda dalkaasi.

Wafdiga ka socda Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta wada saxiixday heshiisyo ku qotoma dhinacyada iskaashiga Amniga sida xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, Dhaqaalaha, Ganacsiga iyo arrimaha Adeegga Bulshada. 

Heshiisyada ayaa waxaa wada saxiixay heshiisyada Golaha wasiirada ee labada dal gaar ahaan Amniga, Arrimaha dibadda, Waxbarashada iyo Ganacsiga.

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa berito madaxda sare ee dalka Kenya la yeelanaya kulamo lagu dhammaystirayo heshiiyada iskaashi ee labada dal wada saxiixdeen.