Uncategorized

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo Maanta kawada Hadlaya Darbiga Xuduudda

Muqdisho-KNN-Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa la filayaa in ay maanta ka wada hadlaan Darbiga muranka dhaliyay ee Dowladda Kenya ay ka dhiseeyso Xuduudda ay Labadda Dal wadaagaan.

Wafdi aan lashaacin tiradiisa balse uu Hugaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Muxumed Axmed ayaa Dhinaca Soomaaliya wadahadaladda u matali doona, sida uu gudoomiyuhu warbaahinta u sheegay.

Gudoomiyhu wuxuu sheegay in Labadda Dowladood ay Wada hadal ku ballameen 27-ka March oo maanta ah.

Warbaahinta looma soo bandhigin cidda dhinaca Kenya wada hadaladda umatalidoonta iyo meesha ay Wadahadalladu ka dhacayaan.

Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Radio Kulmiye ayaa sheegay in wadahadalku uu dhex mari doono masuuliyiinta Labadda Dowladood u qaabilsan Goboladda Xuduudda ah.

Madaxweeyne yaasha Somaaliya iyo Kenya ayaa isku raacay in la hakiyo Darbiga dhismihiis uu ka socdo Magaaladda Balad Xaawo ee Gobolka Gedo, kadibna dhinacyaddu ay wadahadal isugu yimaadaan.