Muqdisho-KNN-Munaasabadan oo ku saabsaneyd mid Mashaariic horumarineed ay ku kala saxiixanayeen Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hay”adda Horumarinta dalka Turkiga ee TiKA ayaa ujeedada tahay wax ka qabadashada biya xireenada Wabiga Shabeelle, Saabuuni iyo keydka Biyaha Xawaadleey,waxaana goobjoog ka ahaa Ku simaha Ra”iisul Wasaaraha ahna Ra”iisul Wasaare Ku_xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guleed, Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Ganacstada beeraleyda dalka,Safiirka dalka Turkiga iyo Madaxda Hay’adda TIKA.
Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa muhiimada uu leeyahay heshiiskan faah faahin ka bixiyay wuxuuna sheegay in mashruucaan faa’ido weyn u yeelan doono Beeraleyda Soomaaliyeed ,wuxuuna biyo ku filan siin doonaa dhul ku dhow boqol kun oo Hectar.
Sidoo kale,Wasiirka Beeraha Xukuumadda Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa sheegay in Heshiiskaan sidoo kale uu wax badan ka tari doono Fatahaada uu sameeyo Wabiga,islamarkaana dhibaato geystay dhul beereed iyo sidoo kale deegaano badan oo dad degan yihiin.
Isku xiraha Hay”adda TIKA Galib Yilmaz ayaa sheegay in mashaaricdan horumarineed ay ka shaqeyn doonann sidii wax looga qaban lahaa biyaha xireenka Wabiga shabeele iyo keydka biyaha, wuxuuna saxiixa maanta wada gaarnay Wasaaradda Beeraha Dowladda soomaaliya muhiimad siinayaa horumarka wax soo saarka Soomaaliya.
Safiirka dalka Turkiga Soomaaliya olgan Baker oo munaasbada ka hadlay ayaa waxuu tilmaayay in ay dowladda Turkiga ay go’an tahay gacansiinta shacabka Somaaliyeed iyo Dowladda.
Wuxuuna carabka ku adkeeyay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Olgan Bakar iney rajeynayaan in sanad gudihiisa mashruucani ku soo dhamaado.
Ra’iisal Wasaare ku_xigeenka dalka ahna ku_simaha Ra’iisal Wasaare Mahdi Maxamed Guuled Wuxuu sheegay in haduu mashruucaan hirgalo uu wax badan muhiim u yahay.