Somali News

Dowladaha Turkiga iyo Mareykanka oo hal go’aan kasoo saaray xaaladda cakiran ee Libya

Ankara-KNN-Madaxweynaha dalka Turkiga Rajap Tayip Ordegan ayaa sheegay in asaga iyo dhigiisa dalka Mareykanka Donald Trump ay ka wada hadleen xal u helida dhibaatadda dalka Libya, kadib markii laga adkaaday sarkaalka mayalka adag ee Khaliifa Xaftar.

Madaxweyne Ordegan waxaa uu sheegay in asaga iyo Trump ay ku heshiiyeen in xaaladda Libya waji cusub oo xasilooni dhalin kara loo jiheeyo.

In dowladda si buuxda loo taageero inay isku raaceen ayuu u sheegay warbaahinta dalka Turkiga madaxweyne Ordegan.

Dawlada Turkiga ayaa taageeraysa dawlada la aqoonsanyahay ee Libya oo hadda ka adkaatay mucaaradkeedii ku duulay magaalada caasimada ah

Dowlado u badan kuwa Carabta ayaa taageeraya sarkaalka la jabiyay ciidamadiisa ee Khaliifa Xaftar, waxaana hadda bur buray qorshe ay dowladda Masar waday, kaas oo la doonayay in la iskugu keeno wakiillo kala metelaya dowladda caalamka aqoonsanyahay ee Libya iyo garabka sarkaalka mucaaradka ah ee Khaliifa Xaftar.