Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ay soo saareen dowladaha Turkiga iyo Qadar ayaa lagu cambaareeyay Qaraxyadii iyo weeraradii shalay Al-shabaab ay ku qaadeen afaafka hore ee madaxtooyada Soomaaliya.
Wasarada Arimaha Dibada ee dalka Turkiga ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in aad ugu xunyihiin dhacdadii shalay ka dhacday magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ku soo aaday xili magaalada Brussels ee dalka Belgiumka uu ka furmaya shir looga hadlaya arimaha Soomaaliya.
Sidoo kale warka qoraalka ah ee ka soo baxay Wasaarada Arimaha Dibada ee Turkiga ayaa lagu yiri “ Weeraradda Al-shabaab ay ka fuliyaan magaalada Muqdisho waxaa looga dan leeyahay in lagu burburiyo dadaalka ay DFS iyo Beesha Caalamka ugu jiraan Deganaanshaha Soomaaliya.
Dhanka kale Dowlada Qadar ayaa sidaan oo kale war qoraal ah oo ka soo baxay ku cambaareysay Qaraxyadii iyo weerarkii tooska ahaa ee Al-shabaab shalay ay ka geysteen meel aan ka fogeen xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Waxayna dowladaha Turkiga iyo Qadar ay tilmaameen in ay sii wadi doonaan taageerada buuxda ee ay siiyaan dowlada Soomaaliya si meesha looga saaro kooxaha daganaashaha Soomaaliya ka soo hor jeeda.


