Somali News

Dowladda Afghanistaan oo shaacisay inay dishay saraakiil sare oo ka tirsan Al-Qaacida iyo Taliban

Hoggaanka amniga Qaranka ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in ciidamadooda gaarka ah ay dileen sarkaal sare oo katirsan ururka Al- Qaacidda iyo taliye sare oo katirsan ururka Talibanka kadib howlgallo ka dhacay gobolka bariga dalkaas ku yaalla ee Paktika. Abuu Muxammad Al-Taajiki wuxuu ahaa sarkaal caan ah oo katirsan Al-qaacidda kaas oo ka qayb qaatay howlgallo dhowr ah.

Hazrat Cali wuxuu isana ahaa taliyihii Talibaan ee gobalka Waziristan.Hay’adda sirdoonka ayaa sheegtay in raggan ay ka shaqeeyeen xiriirinta shabakadaha argagixisada ah ayna soo maleegeen weeraro isku dhafan oo wada jir ah.

Labadaan nin ayaa la sheegay inay Talibaan siiyeen hub casri ah iyo tababarro milatari isla markaana ay qorsheynayeen inay howlgalladooda kordhiyaan.