Uncategorized

Dowladda Austria oo mamnuucaysa indho shareerka

Sharci ka mamnuucaya haweenka Muslimiinta ah in ay xirtaan Indho shareerka ayaa maanta ka dhaqan galaya dalka Austria.

Dumar lagu qiyaasay 150 oo kali ah ayaa la rumaysan in ay xirtaan Indho shareerka ama Niqaabka dalkaasi.

Soo saarida sharcigan cusub ayaa ku soo beegmaysa xilli madaxda xisbiyada waawayn ee Siyaasada dalkasi qaarkooda ay u durbaan tumayaan waxyaabo ka dhan ah Muslimiinta.

Doorashada guud ee dalka Austria oo lagu wado in ay dhacdo dabayaaqada bishan ayaa laga yaabaa in xisbiga midig fog ay ku biiraan dowlad isbahaysi ah.

Saraakiisha Dalxiiska dalkaasi ayaa walaac ka muujiyay saamaynta ay mamnucidda Indho shareerka ay ku yeelan karto dalxiisayaal badan oo Carab ah oo sanad waliba soo booqday dalka Austria.

Dalxiisayaal badan oo ka yimaada dalalka Gacanka ayaa sanad walba waxa ay Dalxiis u tagaan dalka Austria,waxaana dalkaasi ka soo gala dhaqaalo badan.