Uncategorized

Dowladda” Ciidamada amaanka waxay jilib ku dileen 7 ka mid ah Al-Shabaab”

Muqdisho-KNN-War qoraal oo maanta ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gobalka Jubada dhexe lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta ayaa yiri “Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ciidamada amaanka ku amray iyagoo kaa shaanaya Saaxiibada Caalamiga ah in ay fuliyaan Howlgal qorsheysan kaas oo lagu qaaday Dagaalamayaal ka tirsan Shabaab kuwaas oo ku sugnaa degmada Jilib ee gobalka Jubada dhexe.

“Ciidamadayna waxay dileen 7 ka tirsan Shabaab waxaana ku jira Sarkaal sare oo mas’uul ka ahaa qaraxyada Bam-baanooyinka ka dhaca Magaalada Muqdisho iyo kuwa kale.

Xalay ayaa la sheegay in duqeyn culus ay ka dhacday Degmooyinka Jilib iyo Naawixigeeda waxaana duqeyntaasi la sheegay in ay fuliyeen Diyaaraha aan duuliyaha laheyn ee dalka maraykanka.