Uncategorized

Dowladda Ciraaq oo ku dhawaaqday dagaal Cusub oo ka dhan ah ISIS

Muqdisho-KNN-Haider al-Abadi Ra’iisul Wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ku dhawaaqay duulaan ka dhan ah kooxda isugu yeertay khilaafada islaamka ee ISIS taas oo wali ku xoogan meelo ka mid ah Ciraaq.

Al-Abadi ayaa sheegay in Dowladda ay doonayso in ay la wareegto gacan ku heynta magaalada Tal Afar oo ah magaaladii ugu dambeysay ee ay ku xooganyihiin kooxda ISIS oo la aaminsan yahay in ay ka sii dhamaaneyso Ciraaq.

Telefishinka qaranka Ciraaq ayaa baahiyay hadalka Ra’iisal Wasaaraha ee ka dhanka ah Daacish kaas oo lagu Iclaamiyay duulaan cusub  oo ku wajahan ISIS waxaa uu intaa ku daray in kooxda Daacish ay u furantahay laba wado oo kala ah, in ay isa soo dhiibaan ama in la dilo.

ISIS ayaa hore looga saaray meelo badan oo ka mid ah Magaalada Mosil ee dalka Ciraaq, dagaalkaasi oo la aaminsan yahay in daacish ay kala kulantay qasaara badan.