Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Cubba Miguel Diaz-Canel ayaa Telefoonka waxaa uu kula hadlay Mada xweyneyaasha Wadamada Soomaaliya iyo Kenya Uhuru Kenyatta iyo Maxamerd Cabdullahi Farmaajo waxayna kawada hadleen sidii loo siideeyn lahaa Dhaqaatiir Cuba u dhashay oo Kenya laga soo afduubtay.
Miguel Diaz-Cane ayaa Twitter-kiisa ku sheegay in madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya kala hadlay sidii loo kordhinlahaa dadaaladda lagu soo badbaadinayo dhaqaatiirta Afduubka loo heeysto.
Madaxda Cuba, Kenya iyo Soomaaliya ayaa isla gartay in ay iska kaashaadaan sidii dhaqaatiirtaas xoriyadooda dib loogu soo celin lahaa.
Jimcihii lasoo dhaafay ayaa rag hubeeysan la aaminsanyahay in ay Al-shabaab ka tirsanyihiin waxaa ay weerareen Assel Herrera iyo Landy Rodriguez xilli ay ku sugnaayeen Mandera si ay daryeel caafimaad ugu fidiyaan Dadka degan Mandera iyo deegaanadda u dhow.
Weerarkaas dhaqaatiirta lagu soo afduubtay waxaa lagu dilay Askarigii ilaalinayay.
Dhaqaatiirtuna waxay ka mid ahaayeen 100 dhaqtar oo Dowladda Kenya ay ka keentay Cuba si ay Gobolada Dalka adeeg caafimaad uga fuliyaan.
In kasta oo aysan Al-shabaab sheegeen Masuuliyadda afduubka, hadana waxaa loogu maleeyay in ay masuul ka yihiin, Mandera iyo Gobolka Woqooyi bari oo dhan waxaa ku badan Weeeradda Al-shabaab ay la beegsadaan Dadka Kenya.
Dhaqaatiirkii kale ee ka howlgalayay deegaanadda Xuduudda ayaa la daad gureeyay si looga badbaadiyo Afduub.
Odoyaasha dhaqanka ee degan xuduudda Somalia iyo Kenya ayaa horraantii todobaadkaan waxaa ay sheegeen in ay wadahadal la baleen Al-shabaab oo la rumeysanyahay in dhaqaatiirtu ay gacantooda ku jiraan.
Dowladda Kenya ayaa dhankeeda sheegtay in ay sugeeyso wada xaajoodka Odoyaasha dhaqanka iyo Al-shabaab, Ciidankeeda Amaankuna ay dhankooda ka baadi goobi doonaan dhaqatiirta.