Somali News

Dowladda Cupa oo xaqiijisay in ay noolyihiin Dhaqaatiir ay Afduubteen Al-Shabaab

Muqdisho-KNN-Dowladda Cuba ayaa sheegtay in ay dadaalka ugu badan ku bixineeyso in ay xoriyadooda dib u helaan labo dhaqtar oo dalka Kenya lagu afduubtay bishii April ee Sanadkaan.

Wasiirka Caafimaadka Cuba Jose Angel Portal ayaa xaqiijiyay in ay noolyihiin dhaqaatiirtu, balse ma uusan sheegin meesha ay joogaan iyo sida ay Dowladdiisu ku xaqiijisay nolosha dhaqaatiirta.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay Havana, ayuu ku sheegay in Cuba ay sameeyneeysay Wax kasta si ay usoo hesho dhibaneyaasha Afduubka. Waxuuna intaas ku daray in aysan jirin dalab madax furasho oo Dowladda kasoo gaaray kooxihii Afduubka geystay, warkaan oo warbaahintu ay horay u wariyeen.

Dadaaladda lagu xaqiijinayo in lasoo daayo Landy Rodriguez iyo Assel Herrera waxay u baahanyihiin hanaan waqti qaadanaya iyo wada hadal, sida uu sheegay wasiirka Caafimaadka Cuba Jose Angel.

Horay Madaxweynaha Dalka Cuba ayaa xiriir lasoo sameeyay Madaxweyne yaasha Soomaaliya iyo Kenya si loo kordhiyo baadi goobka dhaqaatiirta laga Afduubtay Gobolka Xuduuda.

Al-shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay Dhaqaatiirta Afduubteen, balse weli ma jiro wax cad oo muujiyya in ay Al-shabaab gacanta ku hayaan dhaqatiirta maqan.

Mana jiro war Al-shabaab kasoo baxay oo beeniyay in ay dhaqaatiirta Afduubteen. Goobta uu Afduubku ka dhacay oo ah Mandera waxaa ku badan Weeradda Al-shabaab, sidaa darteed ayaa loo aaneeyay in rag hubeeysan oo Al-shabaab ka tirsan ay Afduubka sameeyeen.