Somali News

Dowladda Federaalka iyo Somaliland oo ka hadlay geerida taliyihii Boliska Somaliland

Hargeysa-KNN-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii ciidanka booliska Somaliland, Allaha u naxariistee Cabdullahi Fadal Iimaan oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka booliska iyo shacabka Somaliland uu kaga  tacsiyaynayo geerida ku timid taliyihii marxuum Cabdullahi Fadal taliyihii ciidanka booliska Somaliland, waxuuna ku tilmaamay in uu ahaa masuul xilkas ah oo dalkiisa ugu adeegi jiray si wadaniyad leh oo hagar la’aan ah.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid taliyihii ciidanka booliska Somaliland allaha u naxariistee Gen.Cabdullahi Fadal Iimaan.

“Waxaan ka tacsiyadeynayaa geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Alle ha u naxariistee taliyihii ciidanka Booliska Somaliland, Cabdillaahi Fadal Iimaan. Qabriga Allahe ha u waasiciyo, Qoyska, Caruurta uu ka baxay iyo dhamaan shacab waynaha reer Somaliland iyana samir iyo iiman Alle haka siiyo” ayuu yiri Mahdi Guuleed R/Wasaare ku xigeenka dalka.

Marxuumka oo xanuunsanaa mudooyinkii dambe ayaa todobaad ka hor laga keenay dalka Turkiga, halkaas oo loo geeyay how caafimaad.

Sanadkii 2012-kii ayuu madaxweynihii xilligaas ee Somalilnd Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo u magacaabay xilka taliyaha ciidanka booliska Somaliland, waxuuna xilkaas hayey marxuumku ilaa uu ka geriyooday.

Sidoo kale waxaa galinkii dambe ee shalay uu xanuun ku soo baaday taliyie ku xigeenkii booliska Somaliland, kaas oo haatan xaaladiisa caafimaad lagu dabiibayo magaalada Hargeysa.