Somali News

Dowladda Federaalka oo fasaxday qoondadii maamul goboleedyada

Muqdisho-KNN-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa fasaxday lacag gaareysa lix milyan oo midowga Yurub uu ugu deeqay Soomaaliya, taas oo loo fasaxay maamul goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

 Qoraal ka soo baxay wasaarada maaliyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in mamul goboleedyada lasiinayo mid hal milyan oo dollar, taas oo ah qoondada maamul goboleedyadu ay ku leeyihiin deeqaha beesha caalamka.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda oo uu ku saxiixnaa Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa loogu mahad celiyay mira dhalkii shirkii ka dhacay Addis Ababa ee u dhaxeeyay Wasaaraddaha Maaliyadda heer Federaalka iyo heer dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo lagu lafa guray arrimo kala duwan oo ku aadan wada shaqeynta Hey’adaha Maaliyadeed ee dalka.

Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa loo qoondeeyay 40%  deeqda miisaaniyadda, taas oo laga helay Midowga Yurub sida la sheegayna gaareysa 15 milyan oo dollar taasoo guud ahaan noqoneysa lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo la siinayo min hal milyan dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.