Uncategorized

Dowladda Federaalka oo hakisay bixinta Baasaboorka Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Waxaa mudo todobaad ah oo ka bilaanaysa 14-ka bishan la hakiyay dalbashada baasaboorka Soomaaliya.

War kasoo baxay heyadda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaliya ayaa lagu sheegay in loo hakiyay arimo farsamo oo jira, wallow aan arimahaas wax faahfaahin ah laga sii bixin.

“Arimo farsamo awgood, waxaa muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan lagu wargelinayaa in mudo todobaad ah kana bilaabata September 14, 2019 ilaa September 21, 2019 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka,”ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay boga Immigration-ka.

Go’aankaan lagu hakiyay dalbashada baasaboorka mudada todobaadka ah ayaa kusoo aadaya, iyadoo sidaan oo kale horay muddo Seddax maalmood ah loo hakiyay howlaha Hey’adda dambi barista booliska Soomaaliya ee CID-da, mudadaas oo maanta ku ekeed.