Somali News

Dowladda federaalka oo ku dhawaaqday in ay fasaxday duulimaadyadii Kismaayo

Muqdisho-KNN-Dowladda federaalka ah Soomaaliya ayaa xalay ku dhowaaqday in ay si rasmi ah u fasaxday duulimaadyadii Kismaayo, kaddib markii todobaadkii hore ay xayiraad saartay.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Aadan Isaaq Cali oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in dowladdu fasaxday duulimaadyadii rayidka ahaa, kaddib codsi uga yimid shacabka dadka reer Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay

“Kaddib codsi uga yimid shacabka reer Kismaayo dowladda federaalka waxay fasaxday duulimaadyadii rayidka ah ee Kismaayo iyo Muqdisho” ayuu yiri.

Wasiir ku-xigeenka ayaa sheegay in hadda kadib ay duulimaadyada magaalada Kismaayo lamid noqon doonaan duulimaadyada kale ee ka hawlgala magaalooyinka kale ee dalka.

Tani ayaa ku soo aadaya, xilli xildhibaano Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan ay maalmahihii la soo dhaafay ku xanibnaayeen magaalada Kismaayo oo xarun KMG u ah maamulka Jubbaland.

Hey’adda duulista hawada Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqay in si ku meel gaar ah loo joojiyay duulimaadyadii tagi jiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, muddo saddex maalmood ah.

Si kastaba, waxaa weli qasab ah in duulimaadyada tagaya magaalada Kismaayo ee ka imaanaya magaalooyinka kale ee dalka ama dalka dibaddiisa ay soo marayaan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.