Somali News

Dowladda Iiraan oo ku goodisay in ay la wareegeeyso Markab ay leedahay Britain

Muqdisho-KNN-Saraakiil ka tirsan Dowladda Iran ayaa ku goodiyay in ay la wareegi doonaan markab Saliidda qaada oo ay leedahay Dowladda Britain, haddii aan la sii deyn markab Iran ay  leedahay oo la xiray.

Ciidanka Badda Boqortooyadda Ingiriiska ayaa caawiyay Maamulka Jasiiradda Gibraltar in ay la wareegaan markab Saliida qada oo ay leedahay Dowladda Iran kadib markii looga shakiyay in markabkaasi uu u socdo Siiriya  oo uu doonayay in uu jabiyo cune qabateynta Midowga Europe.

Maxkamad ku taala Gibraltar ayaa xukuntay in markabku uu sii xirnaado 14 maalmood oo dheeri ah.

Iran ayaa u yeertay Safiirka Britain ee jooga Tahraan si ay uga cabato waxa dhacay oo ay ku sheegtay in ay tahay “nooc  burcad-badeednimo ah.”

Muxsin Razii oo ka mid ah Golaha la taliya Aayatullahi Khameyniyi ayaa sheegay in Dowladda Iran ay falka Britain ka jawaabi donto wal-wal la’aan.