Muqdisho-KNN-Wargeyska Middle East monitor ayaa dabaacay warbixin uu ku sheegay inay ka soo baxday guddiga dabagalka cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya saaran taasoo dawlada Imaaraatka Carabta ku eedeynaysa inay jabisay cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran.
Warbixintaan waxaa ay ku eedeysay dawlada Imaaraarka inay Soomaaliya usoo dirtay hub fara badan oo ay guddigu sheegeen inay beec iyo deeqba u keeneen taasoo xad gudub ku ah cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran sida warkaan lagu sheegay.
Warbixinta guddigaan kasoo baxday ee lagu daabacay wargayska aanu xiganayno ee Middle East Monitor waxaa lagu sheegay in diyaaradaha duuliye la’aanta ah ee Midawga Yurub leeyihiin duubeen markab laga leeyahay dalka Imaaraatka oo hub sida oo ku soo dhawaaday meel ka mid ah xeebaha Soomaaliya kadibna shixnadii hubka aheyd ee uu siday ku wareejinaya labo doonyood oo nooca dheereeya ah.
Warkaan laguma sheegin cidda doonyahaas lahaa iyo tirada hubka lagu rogay intaba.
Sidoo kale warkaan waxaa lagu soo hadal qaaday in saldhiga ciidan ee Imaaraatku ka dhisanayaan magaalada Barbara ee Soomaaliya oo si xawli ah ku socda ujeedkeedu yahay inay hub fara badan Soomaaliya soo galiso.
Wargeyska Middle East Monitor oo wax ka weydiiyay madaxda dawlada Imaaraatka wax ka weydiiyay eeda loo soo jeediyay waa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan sida warka ku qoran.