Somali News

Dowladda Itoobiya oo markii ugu horeysay la wareegtay hogaanka midowga Afrika ee AMISOM.

Muqdisho-KNN-Tigabu Yilma oo ah Generaal kasoo jeedda dalka Itoobiya ayaa si rasmi ah ula wareegay hoggaanka Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya kaddib Munaasabad lagu qabtay Xeradda AMISOM ee Muqdisho kula wareegay xilkaasi.

Arrintaan ayaa ka dhigan in dowladda Itoobiya ay markii ugu horreysay ku guuleysatay in ay masuul ka noqato howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM kuwaa oo soomaaliya ujooga nabad ilaalin.

General Tigabu Yilma ayaa xilka kala wareegay Gen. Jim Beesigye oo  u dhashay dalka yugaandha islamarkaana hoggaaminayay ciidamada AMISOM tan iyo bishii Janaayo ee sanadkii tagay ee 2018ka.

Ambasador Francisco Madeira oo ah uqaabilsanaha howlaglka midowga afrika ee soomaaliya ayaa sheegay mar uu hadlay in ay tahay Markii ugu horreysay taliye ka socda Ciidanka Itoobiya lagu wareejiyo Hoggaanka Guud ee AMISOM.

“Hawlgalku waa mid aad u weyn, laakiin aad baan ugu kalsoonahay in aad samayn kartid isbedal muuqda maadaama aad leedahay Kartideeda” ayuu yiri Madeira.

General Tigabu Yilma ayaa ciidamada itoobiya ka tirsanaa34 sano ee ugu dambeysay  wuxuuna ka soo shaqeeyay qeybo kala Duwan oo ciidamada ah  kuwaa oo ay ka midka yihiin Qeybta, dhakhaatiirta, Batroolka, iyo Taliyaha Guud intaba.