Somali News

Dowladda Itoobiya oo war ka soo saartay Khariiradii muranka badan dhalisay

Muqdisho-KNN-Dowladda Itoobiya ayaa war ka soo saartay sawirka khariiradda Afrika oo si qaldan loo dhigay, laguna baahiyay website-ka wasaaradda arimaha dibadda ee Itoobiya.

Baraha bulshada ayaa aad loogu baahiyay sawirka khariidada ah, iyadoona shacabka Soomaaliyeed ay arintaasi aad ugu xumaadeen, inkastoo xalay dowladda Itoobiya ay arintaasi war ka soo saartay.

Wasaaradda waxay sheegtay in si “khaldan oo aan la aqbali karin barteeda Internetka  loogu daabacay sawirka Qariiradda Afrika” oo muujinaya Soomaaliya iyo Ethiopia oo la isku daray. 

“Waxaanu ka shaleyneynaa jah-wareerka iyo fahamka khaldan ee ay arrintan dhalisay,” ayey wasaaraddu warkeeda ku soo gabagabeysay.

Aqoonyahadana Soomaliyeed ee baraha Internetka wax ku qora iyo kuwa sida tooska ah warbaahinta u la hadla waxayna  sheegeen in lo baahanyahay in arintan ay ka hadasho dowladda Soomaaliya.