Baladweyne-KNN-Dowladda Jabuuti ayaa maanta deeq raashin ah gaarsiisay dadka ay saamaysay fatahaadii ka dhacday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Gargaarkaan oo dhan ilaa sagaal Tan oo raashin ah ayaa dowladda Jabuuti oo ay wakiil ka ahaayeen saaraakiil kamid ah ciidamadda nabada ilaalinta u jooga soomaaliya ee Hiil-walaal ayaa waxaa ka gudoomay deeqdaan madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
Saraakiisha dowladda jabuuti ay u soo wakiilatay wareejinta deeqdan oo uu hogaaminayo Korneyl Maxamed Barqad oo kulan gaar ah la qaatay madaxaweynaha hirshabelle ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii deeqdaan loo gaarsiin lahaa dadkii u baahnaa ee loogu talagalay.
Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Dowladda iyo Shacabka Jabuuti kaga Mahadceliyay sida ay u garab taaga yihiin dadka Reer Hiiraan,isaga oo sheegay in Ciidamada Jabuuti ay si wanaagsan ula Shaqeyn doonaan.
Dowladda Jabuuti ayaa mar walba kaalin muuqata ka qaadata caawinta dowlada iyo shacabka soomaaliyeed iyadoo ciidamdeedu nabad ilaalin u joogaan Soomaaliya.