Somali News

Dowladda Japan oo malaayiin doolar ku bixinaysa la dagaalanka Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Safaaradda Dowladda Japan ay ku leedahay dalka Kenya ayaa sheegtay inay Dowladeedu hal Milyan oo Doollar ku bixinayso dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Safaaradu, waxay ku sheegtay Bayaanka ay arrinta ka soo saartay inay kaalmadan lacageed ay Dowladda Jaban u soo marin doonto Soomaaliya Sanduuqa Qaraamada Midoobay ee u qaabilsan la dagaalanka khatarta Miinooyinka.

Baayaankaasi waxaa lagu sheegay in Dowladda Jaban ay shantii sanadood ee la soo dhaafay ay uga qeyb qaadatay sugidda amniga Soomaaliya lacag dhan 7.3 milyan oo Doollar, si looga hortago Waxyeelada Qaraxyada.

Bayaankan ay soo saartay Safaaradda Jaban ee magaalada Nairobi waxaa kaloo lagu sheegay inay sii wadi doonto taageeridda la daagaalanka kooxaha  argagixisada ah si looga hortago falalka amni daro ay ka geysanayaan Soomaaliy.