Somali News

Dowladda Jordan oo maanta martigelinaysa wada hadalo u dhaxeeya Israel iyo Falastiin.

Jordan ayaa martigelin doonta kulan u dhaxeeya madaxda sare ee ammaanka Israel iyo Falastiiniyiinta iyo siyaasiyiintooda Axada maanta ah, iyadoo Maraykanku uu ka qayb qaadan doono, ujeeddadiisuna tahay in lagu joojiyo mowjado rabshado ah oo dhowaan kiciyay cabsida laga qabo inay sii korodho ka hor bisha Ramadaan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Saraakiishu waxay intaa ku dareen in shirka hal maalin ah oo ka dhacaya dekedda magaalada Aqaba ee badda cas, uuna ka qeyb galayo Brett McGurk oo ah ergeyga madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ee bariga dhexe, ay isugu imaanayaan madaxda sare ee amniga Israa’iil iyo Falastiiniyiinta markii ugu horeysay muddo dhowr sano ah.