Uncategorized

Dowladda Kenya oo Joojisay dhisamaha Darbiga Xadduuda Belad-xaawo.

Belad-Xaawo-KNN-Wararka maanta laga helayo gobalka Gedo gaar ahaan Degmada Belad-xaawo oo maalmihii la soo dhaafay ay ka taagneed isku dhacyo u dhaxeeya Shacabka magaalada Buula Xaawo iyo Ciidamada Kenya ayaa soo sheegaya in xaaladda maanta degan tahay.

Mas’uuliyiinta gobalka Gedo ayaa sheegay in Kenya ay joojisay Dhismaha Darbiga inta ay iska arkayaan Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya maadaama uu xoogeestay xiisadda gobalka ee ka dhalatay arintaan.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in saakay Jawi daganaansho ah uu ka jiro magaalada waxaana istaagay dhismaha Ciidamada ay ka wadaan, sidoo kale shacabka ayaa joojiyay Banaanbaxyadii socday maalmahaan.

Wadahadal Dhinaca Telephone-ka ah oo ay yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa waxay isku afgartayn in la joojiyo dhismaha darbiga ee hada ka socda Xadduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya ee gobalka Gedo.

Sidoo kale Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay Labada Dowladood ay magacaabaan Guddi qubaro iyo Wasiiro ah oo ka kala socda labada dhinac kuwaas oo baara Cabashada shacabka iyo Sheegashada Kenya.

Xildhibaan faarax Cabdi Xasan oo ka mid ah Mas’uuliyiinta gobalka ka soo jeeda sidoo kalane aad ugu howlanaa arintaan ayaa KNN u sheegay in hoogaanka dalka ugu sareeya in ay arintaan soo fara geliyeen.              

Dhawaan ayaa la feliyaa Wasaaradaha Arimaha dibadda iyo Gudaha ee Soomaaliya ay si wadajir ah usoo saaraan War-saxaafadeed lagula hadlayo shacabka Soomaaliyeed ee arintaan ka dhiidhiyay iyo Dowladda Kenya, waxaana wasaarahadaasi amray madaxweynaha Soomaaliya kadib kulan habeen hore ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya.

Warbaahinta Soomaaliya iyo Warbaahinta Kenya ayaa maalmihii la soo dhaafay siyaabo iska soo horjeeda wax uga qorayay dhismaha Darbiga ee Xadduud beenaadka Belad Xaawo ee kala qaybiya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.