Ku-dhawaad 100 Dagaalyahano oo Alshabaab ah ayaa la soo weriyey inaygelinkii dambe ee shalay weerar jid-gal ah ku dileen 5 Sarkaal oo ka tirsanaa Boliska Kenya.
Dagaalamayaasha waxay weerareen Gaari ay la ssovcdeen Boliskaasi, sida uu Saxaafadda u sheegay Taliyaha Boliska Gobaleedka W/bari Kenya, Edward Mwamburi.
Waxa uu intaasi ku daray inuu weerarkaasi ka dhacay mar ay Ciiddankaasi ku soo jeedeen Bartooda oo 10KM u jirta Deegaanka Alijize.
Dhinaca kale, Ilo dhinaca Boliska ayaa sheegay inay Alshabaab gubeen gaari ay la socdeen Saraakiisha la weeraray, kana qaateen hubkii ay wateen.
Askar kale oo ku dhaawacantay weerarkaasi ayaa loo duuliyey magaalladda Nairobi, si looga soo daaweeyo dhaawacyadda ka soo gaaray weerarkaasi.