Somali News

Dowladda Kenya oo soo saartay digniin ka dhan ah duulaan ay damacsanyihiin Al-shabaab

Muqdisho-KNN-Dowladda Kenya ayaa soo saartay Digniin amni kadib markii dagalaamayaal ka tirsan Al-shabaab in ay usoo guureen meelo aan si rasmi ah loo ogaan oo ka tirsan Magaaladda Meru, sida uu daabacay Wargeyska the Star.

Masuul ka tirsan hay’adaha amaanka ee Kenya ayaa waxa uu sheegay in dagaalamayaal ka tagay Soomaaliya ay halkaas galeen Waqti aan ku beegan Bishii Julay ee Sanadkaan 2018.

“ Waxaa la rumeysanyahay in ay ku dhuumanayaan dhismooyin aan wali la ogaan waxayna qorsheeynayaan si ay u fuliyaan weeraradooda ay ku xusayaan raggii laga dilay” ayuu yiri Masuulkan oo Masindi lagu magacaabo.

Masinde waxaa uu sheegay in Ganacsade Soomaali ah oo ka shaqeeya Meri iyo Gobolka Woqooyi bari la rumeeysanyahay in uu qarinayo dagaalamayaasha ka tirsan Al-shabaab ee Weerarka maaggan.

“waxaa ay beegsanayaan Bartilmaameedyo waaweeyn sida Tukaamada ganacsiga ee waaweyn, Xarumaha waxbarashada sare, Kaniisadaha iyo Xarumaha Dowladda iyo meelo kale” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Maamulka Meru ayaa Dadka weeydiistay in ay aad u feejignaadaan oo ay u toog hayaan Weeraradda Al-shabaab.

Todobo sano ka dib markii Ciidanka Kenya ay Soomaaliya soo galeen si ay Al-shabaab ula dagaalamaan Al-shabaab waxay kordhiyeen weeraradda ay Dalkaas ka geeysanayaan.

Ujeedka Kenya ay Ciidamadeedu Soomaaliya usoo galeen waxay ahayd in ay wiiqaan awoodda Al-shabaab, hase ahaatee Dadka shacabka ah masuuliyiin ay xildhibaanno ka mid yihiin horay Dowladooda ugu canaantay in ay Ciidankeedu xuduudda ku ekaadaan si ay dalka gudihiisa difaac uga galaan.