Uncategorized

Dowladda Koofur Africa oo u digtay Soomaalida ku nool dalkaasi.

Muqdisho-KNN-Dowladda Koofur Africa ayaa soo saartay warbixin loogu digayo dadka soo galootiga ah oo ay ka mid yihiin Qaxootiga Soomaalida ee ku nool dalkaasi kadib cabsi dhinac amniga ah oo soo korartay.

Warqad ku taariikheysan 13-kii bishaan oo loo qeybiyay Soomaalida ku nool dalkaasi ayaa lagu wargiliyay in ay muujiyaan feejignaan Guryahoodana aysan ka soo bixin laga bilaabo Bishaan December ilaa 10-ka Bisha January ee sanadka cusub ee 2018.

Sababta digniinta ay soo saartay Laamaha amaanka ayaa lagu sheegay in la gaaray waqtigii fasaxa iyo dabaal dagyada ciida dadka aan muslimka aheyn ee sanadka cusub jeelalkana laga soo daayay kooxo gaan-giistaro ah si ay ugu dabaal dagaan maalmaha ciida kirismis day-ga sidoo kale la yareyn doono Ciidamada amaanka ee ka howlagala gobalada qaar.

Qaxootiga ku nool koofur Africa oo ay soomaalida qeyb ka tahay ayaa laga dalbaday in ay xiraan goobahooda ganaciga dhaq dhaqaaqa badana ay joojiyaan 10-ka January ee 2018 hadii ay wax arkaan ay la soo xariiraan Laamaha amaanka si deg deg ah.

Arintaan ayaa walaac ku beertay Soomaalida ku nool dalkaasi oo markii hore la daala dhacayay dhibaato dhinaca amniga ah waxaana dadka qaar ay walaac ka qabaan in digniintaan ay dhiiri giliso kooxaha wax dila ee ku sugan dalkaasi.

Koofur Africa waxaa ku nool Soomaali badan oo qaxaati ah waxayna ku kala sugan yihiin Gobalo iyo Magaalooyin badan ku yaalo Dalkaasi, dad badan ayaana looga dilay Koofur Africa.