Somali News

Dowladda Koonfurta Suudaan iyo Mucaaradka oo wadahadalo kuleh dalka Ethiopia

Muqdisho-KNN-Madaxwaynaha dalka Koonfurta Suudaan Salva kiir, hogaamiyaha mucaaradka Riek Machar, iyo dhawr koox oo kale ayaa wadahadalo kuleh magaalada Addis Ababa maanta oo Khamiis ah.

Ujeedka kulankan oo ah amni kusoo dabaalida Koonfurta Suudaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli dhawaantan lagu heshiiyay in ladhiso dowlada wadaag ah.

Wadahadalan ayaa daba socda kii September 2018 ku dhex maray magaalada Addis Ababa mucaaradka iyo muxaafadka Koonfurta Suudaan.

War kasoo baxay Urur Goboleedka Igad ayaa lagu sheegay in shirkan oo socon doona mudo labo maalin ah looga gon leeyahay sidii loo dar dar galin lahaa dadaalada lagu dhisayo dowlad wadaag ah.

Koonfurta Suudan ayaa cagaha lagashay dagaalo sokeeye labo sano uun kadib markii ay xornimadeeda ka qaadatay Suudaan inteeda kale.

Isku dhacyadaas ayaana yimid kadib markii hogaamiyaha mucaaradka Salva Kiir uu ku eedeeyay madaxwayne ku xigeenkiisii hore Riek Machar in uu afganbiyay.