Muqdisho-KNN-Kuuriyadda Woqooyi ayaa tijaabisay dhowr gantaaladda ridada gaaban ah, sida algu shegay warbixin laga helay Kuuriyadda Koofureed.
Gantaaladda waxaa laga riday Caganka Hodo ee ku yaala Bariga wadanka, sida ay sheegeen Taliyeyaasha Ciidanka Kuuriyadda Koofureed.
Haddii arrintaan la xaqiijiyo waxay noqon doontaa gantaaladdii ugu horreeyay ee xukuumadda Pyongyang ay tijaabiso tan iyo Bishii November ee Sanadkii 2017kii xilligaas oo ay tijaabisay gantaaladda Qaaradaha isaga gudba.
Bishii lasoo dhaafay Pyongyang ayaa sheegtay in ay tijaabisay wax ku sheegtay hubka sida xeeladeeysan loo hago.
Mareeyknaka oo la socda hubka ay tijaabiso Kuuriyadda Woqooyi ayaan wali ka hadlin warka kasoo baxay Kuuriyadda koofureed.