Somali News

Dowladda Liibiya oo sheegtay in Mareykanku hubeeyo mucaaradkeeda

Muqdisho-KNN-Saraakiisha military-ga Liibiya ee Dowladda Caalamku aqoonsanyahay  ayaa sheegay  in ay lasoo wareegen hub uu lahaa ciida nka uu hogamiyo General Khaliifa Haftar islamarkaana hubka ay ka mid ahaayeen Gantaalo lagu sameeyay Mareykanka.

Military-ga Liibiya ayaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ka codsaday in ay baritaan ku sameeyso Hubka Mareykanka ee ay isticmaalayaan Ciidanka doonaya in ay qabsadaan Caasimadda Tripoli.

Dowladda uu caalamku aqoonsanyahay ayaa arbacadii Todobaadkaan waxaa ay dib u qabsatay Magaaladda Muhiimka ah ee Garyan oo koofur ka xigta Magaaladda Caasimadda ah, halkaas oo ay markii hore ku sugnaayeen Ciidanka Qaranka Liibiya ee General Haftar uu hogaamiyo.

“Hubka iyo rasaasta ay ciidanku lasoo wareegeen waa la diiwaan geliyay waxaana loo diray Qubarro baara” ayuu warbaahinta u sheegay Maxamed Qunuunu oo ah Afhayeenka military-ga oo warbaahinta la hadlay.

 Weli war kama soo bixin Mareykanka oo la sheegay in hub uu sameeyay ay adeegsadaan Ciidanka diidan Dowladda Caalamku Aqoonsanyahay.