Somali News

Dowladda Maraykanka oo dajineysa qorshe ciidan loogu soo diraayo Soomaaliya.

Bantigoonka Maraykanka ayaa ka shaqeenayaa horumarin soojeedin ay doonayaan in daraasiin ciidamada sida gaarka u tababaran iyo Tababarayaal ay usoo diraan Soomaaliya si ay u taageeraan ciidanka qaranka Somalia, qorshahaan ayaa waxa uu ka hor imanaaya amarkii horey ciidamada Maraykanka looga saaray Somalia ee uu bixiyay Madaxweynihii hore e dalkaasi Donald Trump.

La taliyaasha Siyaasada Militari ee Maraykanka ayaa doonayaa in dib loogu soo laabto Soomaaliya si looga hortago hanjabadaha cusub ee ka imaanaya dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo ay heshay Wasaarada Difaaca Maraykanka ee Bantigoon.

Qorshaha laga fikaraayo ayaa ah suurtagalnimada in ciidamada Afgaanistan laga soo qaadayo qaarkood inay ka howlgali karaan Somalia, Qorshaha Madaxweynaha Maraykanka John Biden ayaa ah in 3500 askari oo Mareykanka ah laga soo qaado dalka Afgaanistan hadii ay mira dhalaan wada hadalada Xukuumadda Afgaanistan iyo Daliban.

John F Kerby afhayeenka Bantigoonka ee Maraykanka ayaa diiday inuu faah faahin ka bixiyo qorshaha lasoo jeedinayo in Soomaaliya dib loogu soo diro ciidamo Maraykan ah.

Mas’uuliyiinta ka shaqeeneysa soojeedintan ayaa sheegay in wali aan la hordhigin Wasiirka Difaaca Mareykanka Luwid Ostin mana cada hadii uu Madaxweynaha dalka Mareykanka uu qorshahan ogolaan doono.

Wakaaladaha sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in tirada Al-shabaab ay hadda u dhaxeyso 5000 ilaa 10000 oo dagaalame oo haysta dhul weyn oo Konfurta Somalia ku yaala taa oo aysan awood u lahayn ciidamada Soomaaliya inay dagaal kala hortagaan.

20kii Janaayo markii uu xilka la wareegay Biden waxaa wax laga badalay qorshihii lagu howlgali jiray ee duqeynta iyo howlgalada dhulka ah.

Saddex Mas’uul oo ka tirsan Aqalka cad ayaa sheegay in Maamulka Biden ay dib u celiyeen qorshayaal badan oo ilaa 3 gaarayay oo weerar dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Al shabab, Mas’uuliyiintan oo diiday magacoodi in warbaahinta loo adeegsado ayaa sheegay in Biden uu ka fakarayo dhow qiyaar oo Africa la xiriira iyo qaabka ay ciidamadiisa uga howlgali lahaayeen Soomaaliya.