Somali News

Dowladda Mareykanka oo cunaqabateyn saartay hoggaamiyaha Hong Kong

Muqdisho-KNN-Maamulka madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump ayaa cunaqabateen kusoo rogay hoggaamiyaha ismaamulka Hong Kong Carrie Lam iyo 10 qofood oo kale, kuwaas oo ka tirsan maamulkiisa.

Sida laga soo xiganayo Website-ka wasaaradda maaliyadda Mareykanka haweenaydan hoggaamisa Hong Kong ayaa lagu eedeeyay caburin ay ku heyso dadka shacabka ah.

Horay dowladda Mareykanka ayaa cunaqateeno ugu soo rogtay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Shiinaha, kuwaas oo iyagana lagu eedeeyay in ay xasilooni daro ka wadaan dhulka ismaamulka Hong Kong.