Muqdisho-KNN-Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Soomaaliya aysan awood u la hayn inay ka adkaadaan dagaalamyaasha Al-Shabaab ama ay kala wareegaan deegaanada ay haatan gacanta ku hayaan.
Dagaalka Al-Shabaab waxaa saameyn ku leh ciidamada shisheeye oo iyagana lagu wado inay dalka isaga baxaan horaanta sanadka nasoo aadan ee 2021-ka.
Ciidamada shisheeye ee dalka ku sugan waxaa tira ahaan lagu qiyaasaa inay ku dhaw yihiin 23,000 oo askari, kuwaas oo badankood ka yimid wadamada qaaradda Afrika, kana tirsan hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Al-Shabaab oo tiradooda lagu qiyaasay illaa 7,000 oo dagaalame ayaa weerarro joogto ka geysta fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka xog aruurin ay sheegtay inay sameesay waxay muujisay in Al-Shabaab ay fuliyeen in kabadan 1,000 weerar, kuwaas oo qaarkood ay ka geysteen meello ka baxsan Soomaaliya.
Warbixinta sidoo kale waxaa lagu sheegay in sanadkan oo gudihiisa ay Al-Shabaab Kenya oo daris la’ah Soomaaliya ay gudaha dalkeeda ka fuliyeen in ka badan 20 weerar.
Warkan kasoo baxay dowladda Mareykanka, sigaar ah wasaaradda arimaha dibadda, ayaa lagu sheegay in sii jiritaanka awooda Al-Shabaab ay sabab u tahay dhaqaalaha tirada badan ee soo gala.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dhaqaalaha ugu badan uu Al-Shabaab ka soo galo dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah, canshuur ay ka qaadaan ganacsatada iyo lacago dibadda looga soo diro.