Uncategorized

Dowladda Masar oo dhaawacyo ka qaaday magaalada Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga qaaday dhaawacyada ugu yaraan 20 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ugu Xumaa ee Taariikhda Soomaaliya soo mara kaas oo ka dhacay Isgoyska Zoobe 14-kii October ee sanadkaan, waxaana loo qaaday Dalka Masar.

Dhaawacyada la qaaday ayaa la sheegay in ay ka soo kaban waayeen dhibkii gaaray, waxa ayna muddo ku qaatayn Isbitaalo ku yaalo magaalada Muqdisho kuwaas oo markii dambe dalbaday in dibadda loo qaado dadkaan maadaama ay noqon waayeen sidii loo baahnaa.

Sidoo kale Diyaaradii qaaday dadka dhaawacyada ah ayaa Dalka keentay deeq Daawo ah, waxaana markii ay dhigtay ay qaaday 20-ka qof ee dhaawacya ah.

Diyaaradda oo ay la socdeen wakiilo ka socday Dowladda Masar ayaa Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay 5Tan oo Dawo ah,oo ay dowladda Masar ugu deeqday Dowladda Soomaaliya.