Somali News

Dowladda Myanmar oo baareesa tacadiyada loo gaysto muslimiinta Rohynga.

Dowladda Myanmar ayaa bilaawday in ay baaritaan ku sameeso tacadiyadii lagula kacay muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya sanadkii 2017’dii.

Kumanaan muslimiin ah ayaa waqtigaasi iskaga barakacay dalka Myanmar kuwaas oo gaaray dalka ay dariska yihiin ee Bangladesh.

Haweenayda hogaamiso dalka Myanmar ayaa bishii hore Maxkamada Cadaalada Dunida ka hor sheegtay in isla xisaabtanku uu yahay wax laqaadan karo balse waxa ay dafirtay in maamulkeeda uu wax gabood fal’ah ku kalacay muslimiinta Rohingya.

Qaramada Midoobay ayaa horay waxa Mynamar ka dhacaya ku tilmaamtay ay yihiin isir sifiin ka dhan ah muslimiinta laga tirada badan yahay ee Rohingya.