Muqdisho-KNN-Dowladda New Zealand ayaa khamiista maanta ah billowday mashruux ay ku baxeeyso malaayiin dollar oo soconaya muddo lix bilood ah, waxaana dadka dib looga qadayaa hubka lagu mamnuucay sharci dhowaan lasoo saaray.
Sharciga ayaa la meelmariyay kadib markii weerar ay dad badan ku dhinteen lagu qaaday magaaladda Christchurch.
Wasiirka maaliyaada Grant Robertson iyo Wasiirka Booliiska Stuart Nash ayaa wadajir u sheegay in 208 million oo dollarka New Zealand ah ay ku bixi doonto mashruucaan cusub.
Waxaa loogu talo galay in dadka hubka iska soo celinaya mahdhow loogu sameeyo.
Hub aruurintaan ayaa socon doonta illaa 20 ka Bisha December ee sanadkaan.