Somali News

Dowladda Nigeria oo lagu eedeeyay in ay u xiranyihiin Kumaan caruur ah

Ururka udooda xuquuda aadanaha ee HRW ayaa ku eedeeyay Dowladda Nigeria in ay u xiranyihiin kumanaan caruur ah kuwaas oo lagu tuhmay in ay ka tirsanyihiin Ururka Boko Xaraan ee ka dagaalama Nigeria.

Hey’addu waxay sheegtay in caruurtu ay ku xiranyihiin xerooyin ay leeyihiin ciidanka  military-ga islamarkaana ay ku noolyihiin xaalad liidata. HRW ayaa sidoo kale Dowladda ku boorisay in si shuruud la’aan ah lagu sii daayo Caruurtaasi.

Military-ga Nigeria oo ka jawaabay eedda loo soo jeediyay ayaa warbixinta HRW ku tilmaamay mid been abuur ah islamarkaana aysan u xirneyn caruur loo heysto in ay Boko Xaram ka tirsanyihiin.

Warka ciidanka ayaa qiray in ay u xiranyihiin caruur iyo hawen, kuwaas oo ay Boko Xaran fikirkooda barayeen, ujeedaduna ay tahay in laga badbaadiyo fikirka xagjirnimadda islamarkana la dhaqan celiyo si bulshadda dib loogu daro.

Heey’adda ku quuqda aadanaha ee warkaan soo saartay ayaan sheegin tiro cayiman balse warkeeda ayey ku sheegtay in kumanaan caruur ah ay ku jiraan xeryaha ciidanka ee magaalooyin ay ka mid tahay Midiguri.

Qaramadda Midoobaya ayaa horraantii sanadkaan waxaa ay sheegtay in intii u dhexeeysay January 2013-kii iyo March 2019 ay ciidanka Nigeria xireen 3,600 oo caruur ah.