Uncategorized

Dowladda oo 1 Milyen oo dollar ugu deeqday dadka fatahaaduhu ay saameeyeen

Muqdisho-KNN-Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa shaaciyay in Xukuumaddu ay diyaarisay lacag dhan Hal-Milyan oo dollar ($1,000,000) oo hordhac ah looguna tala dadka ku dhibaateysan saameynta ka dhalatay fatahaadaha iyo Roobabkii da`ayba.

Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in shacab iyo dawladba gacmaha laysu qabsado sidii loo samata bixin iyo gargaar degdeg ah loola gaadhi lahaa dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada iyo roobabku.

“Si aan ugu dhiirigelino shacabkeena  Soomaaliyeed inay ka qayb qaataan taakulaynta dadkooda dhibaataysan, Waxaanu ka xukuumad ahaan kaga qayb qaadanaynaa Hal-Milyan oo dollar($1,000,000) oo aanu ku taageerayno dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.” Ayuu yiri ku simaha Ra’iisalwasaaraha ahna R/W ku xigeenka dalku”.

Dhowaan ayay ahayd markii Raiisul Wasare Khayre uu Gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaaduhu u magacaabay Guddi Qaran oo ka shaqaya sidii loo samato bixin lahaa dadka ay saameeyeen fatahaaduhu,guddidaas oo uu gudoomiye u yahay R/w ku xigeenka Da