Somali News

Dowladda oo afar sano kadib Maamo Luul u balan qaaday inay cadaalad heli doonto

Muqdisho-KNN-Luuley Cismaan Xasan oo ah Hooyo danyar ah oo ku nool xaafadda Ansalooti ee degmada Xamar-jajab, isla markaana cadaalad darro weyn ka tabaneysa dowladda Soomaaliya ayaa saacadihii lasoo dhaafay qisadeeda aad loogu faafiyey baraha bulshada ee internet-ka.

Hooyo Luuley waxay dhashay 14 carruur ah, balse waxaa hadda ka nool hal wiil oo la yiraahdo Xasan Cali Ibraahim oo ku magacdheer Xasan Eelaay, Kaas oo sifo aan sharci aheyn mudo ku dhaw 4-sano dowladda Soomaaliya, kadib markii sanadkii 2015-kii uu ku biiray ciidamada dowladda, balse mushaar la’aan soo wjahday awgeed uu u iibsaday qorigiisii oo aah AK-47 ay dowladdu siiday.

Waxaase bishii Maarso ee sanadkii 2017-kii loo xiray sababta uu u iibsaday qorigii ay dowladda siisay, wuxuuna xabsi ku jiraa sanadkii 4-aad. Ilaa maantana caddaalad ma helin oo maxkamad lama soo taagin.

Hooyo Luuley oo 78 jir ah waxay dhabarka ku qaadataa dambiil ay uga xamaalato suuqa Ansalooti, si ay u shaqaysato quudkeeda, una hesho lacag ay ku soo aragto wiilkeeda oo ay asbuuc kasta hal maalin booqato, waxayna sheegtay in markii ay soo booqaneyso wiilkeeda ay ilaalada xabsiga ka qaataan 100-kun oo shilin Soomaali ah.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Xasan oo xalay Hooyo Luuley ku booqday hoygeeda ayaa sheegay inuu kala sheekeystay xaladda ay ku sugantahay iyo cadaalad darada ay tirsaneyso, isla markaana ay dowladdu si deg deg ah uga jawaabi doonto.

“Waxaan soo booqanay maamo Luul oo xogteeda aan ku aragnay baraha bulshada, markii aan akhrinayna aan ku fekernay xaqiiqada dhabta ah inaan soo aragno, waxaan dhageysanay cabashada maamadan,” ayuu yiri wasiirku.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Hadii Alle idmo berri waxaan ka howlgeli doonaa inaan cadaalad u raadino maamada wiilkeeda oo xabsiga ku jira, hadii sida ay sheegtay ay wax u jiraan, oo waxa loo heysto wiilkeeda ay tahay intaas yar, waxaan ku dadaaleynaa inaan u soo deyno wixii lagu lahaana aan ka soo bixino.”