Somali News

Dowladda oo amar dul dhigtay diyaaradaha u duula Kismaayo

Muqdisho-KNN-Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa soo saartay amar ah in Shirkad kasta oo u duuleysa magaalada Kismaayo inay soo weydiisato Xafiiska Hey’adda fasax duulimaad 24 saac ka hor.

Amarkan ayaa waxaa lagu wargeliyay shirkad kasta oo ka shaqeysa duulimaadka  inay soo dalbato fasaxii ay ugu duuli laheyd Magaalada Kismaayo, si aan looga joojin duulimaadkooda.

Sidoo kale Warar qaarka ayaa sheegaya in Hey’addu ay soo saartay Foom fasax ah oo laga buuxinayo Shirkadaha Diyaaradaha ee aadaya Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada hoose.

Tilaabadan ayaa u muuqata mid lagu joojinayo wafuudka ka qeyb galaysa caleema saarka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaamka ( Axmed Madoobe).