Muqdisho-KNN-Hey’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay amar ku socda Diyaaradaha taga ama ka yimaada Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.
Amarkan ay hay’ada duldhigay diyaaradaha ayaa ah in markii ay tagayaan iyo markii ay kasoo tagaan Magaalada Kismaayo ay muhiim tahay inay soo maraan Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Go’aanka hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada ayaa lagu sheegay in looga gol leeyahay hubinta iyo koontaroolka diyaaradaha ka dega Magaalada Kismaayo.
Arintan ayaan la ogeyn sida ay ugu falcelin doonaan Madaxda Maamulka Jubbaland.