Dhuusamareeb-KNN-Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Taliyaasha Ciidamada Qalbka Sida ee Soomaaliya ayaa xerada qaybta 21-aad ee xoogga dalka ku kormeeray Ciidamadii Ahlusunna oo lagu wareejiyey Dowladda Federaalka, waxaana la sheegay in maanta loo bilaabay Hab-raaca Qarameynta oo ay kaga mid noqonayaan Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Federaalka.
Kheyre iyo Madaxa Xukuumadda Galmudug oo Ciidankii Ahlusunna ugu khudbeeyey Xerada qeybta 21-aad, ayaa si wada jir ah ugu boorriyeen in ay maraan hab-raaca Ciidamada Qaranka oo ay is-isdiiwaan geliyaan si ay u helaan xuquudooda iyo agabka Ciidan ee ay u baahanyihiin.
Taliyaasha ciidanka qalabka sida oo iyagu maanta gaaray Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay guda galayaan dhaqan gelinta amarka RW Khayre ee ahaay in la qarameeyo ciidanka Ahlusunna, laamaha ammaanka dowladda Federaalkana laga howl geliyo magaalada Dhuusamareeb.
Sawirro:–





