Somali News

Dowladda oo bixisay lacag lagu dhisayo garoonka kubadda cagta ee waqooyiga Gaalkacyo.

Muqdisho-KNN-Wasaradda maaliyadda ee Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay  bixisay lacag uu R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu balanqaaday dhismaha garoonka kubadda cagta ee waqooyiga Gaalkacyo.

Lacagtan oo gaaraysa 220, 000$ (Laba boqol iyo labaatan kun oo doollar) ayaa lagu taageeray dhismaha garoonka ciyaaraha Cawaale ee Waqooyiga Gaalkacyo, waxaana lacagtan lagu shubay Akoonka guddiga dhismaha garoonka ciyaaraha “Cawaale”.

Dhawaan ayay Aheyd markii R/Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu kulan la qaatay Guddiga dhismaha Garoonka Kubada cagta ee Cawaale, kaasi oo ku yaala Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.