Somali News

Dowladda oo furtay tartanka loogu jiro daabulidda iyo u adeegidda xujeyda

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuuboow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta la furay tartanka loogu jiro daabulidda iyo u adeegidda xujeyda Soomaaliyeed si lamid ah sanadkii hore.

Tantankaan ayuu ku sheegay wasiir dhuuboow sababaha ay haatan ufureen inay tabay kasii baaraandigidda adeegga xajka ee loo qabanayo muwaadiniinta soomaaliyeed ee doonaya inay soo gutaan waajibaadka acmaasha xajka.

Intaa waxa uu sii raaciyay hadalkiisa in wax waliba ee kasoo kordha arrimaha xajka ee sanadkaan ay la wadaagi doonaan shacabka soomaliyeed maadaama caalamka uu haatan fara kulul ku hayo caabuqa coronavirus.

Arrintaan ayaa kusoo aadeysa kaddib markii todobaadkii hore ay soo saartay dowladda sacuudi careebiya in dalal ay ka mid tahay soomaaliya muwaadiniinteeda aysan geli karin gudaha sacuudiga sababa la xiriira faafidda caabuqa coronavirus.