Somali News

Dowladda oo hakisay guud ahaan duulimaadyada taga Kismaayo

Muqdisho-KNN-Maamulka Hey’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa soo saaray amar ah in gebi ahaanba la hakiyay duulimaadyadii diyaaradaha ku tagi jireen Kismaayo laga bilaabo maanta oo ku beegan 23 September illaa 26 September 2019-ka, sida ay sheegayaal warar soo baxaya.

Amarkan ka soo baxay hay’ada duulista hawada Soomaaliya ayaa waxaa lagu faray Shirkadaha duulimaayada in uusan jirin wax duulimaad ah oo tagaya Kismaayo inta lagu guda jiro mudadaas ay xanibaada saaran tahay, wixii ka dambeeyana dib loo fasixi doono duulimaadyadii diyaaradaha ku tagi jireen Kismaayo.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii shalay Magaalada Kismaayo laga joojiyay safar uu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Sharif Sheekh Axmed uu Ku tagi lahaa Magaaladaasi